Dadkii ka barakacay fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahoodii. Wabiga Shabeelle oo deegaano badan ka sameeyay fatahaado xoogan ayaa bilaabay in uu guro,taasi oo sababtay in qoysaskii ay dib u gurtaan.
Xaafadaha uu sida weyn u saameeyay fatahaada wabiga Shabelle ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako, waxaana halkaasi ka barakacay qoysas badan. Intaa waxaa dheer, Bundaweyn iyo Holwadaag waxay la kulmeen daadad culus oo wabiga ah. Inkastoo ay jiraan xaalado adag oo ay ka mid yihiin waddooyinka xiran iyo fatahaadaha joogtada ah, haddana qoysaska barakacayaasha qaarkood waxay doorteen inay dib ugu laabtaan.
Fatahaada, oo todobaadkii hore ku dhufatay Magaalada Baledweyne, ayaa sababay barakac baahsan iyo burbur xoogan oo soo gaaray guryaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Fatahaaddan ayaa ah tii labaad ee ugu weyn ee ka dhacda magaalada muddo lix bilood gudahood ah.
Dadka soo laabanaya waxay la kulmaan jawi adag marka ay ka shaqeynayaan nadiifinta iyo dayactirka guryahooda iyo xaafadaha. Dawlada hoose iyo ururada samafalka ayaa la filayaa inay bixiyaan taageero maalmaha soo socda si ay uga caawiyaan dadaallada soo kabashada.
Iyadoo dadka reer Baledweyne ay billaabeen geeddi-socod adag oo dib u dhis ah ayaa waxaa jirta baahi xooggan oo loo qabo in xal waara loo helo si loo yareeyo saameynta fatahaadaha gobolka ku soo noqnoqda.
Kaabayaasha la xoojiyay iyo nidaamyada maaraynta daadadka ayaa muhiim u ah ka hortagga barakaca mustaqbalka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida bulshada.
HB NEWS DESK