Tiro dad ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo lala beegsaday isku imaatin Islaamiyiin ah oo ka dhacayay magaalada Atbara ee waqooyiga Suudaan ee Nahr al-Neel State, sida uu sheegay guddiga amniga gobolka.
“Koox cibaadeysanayay ayaa waxaa weerar ku qaaday diyaarad aan duuliye lahayn, xilli ay ku guda jireen salaaddii qorrax-dhaca markii ay afureen,” ayay guddiga ku sheegeen warbixin ay soo saareen.
Dhowr qof ayaa ku dhintay weerarkan, waxaana sidoo kale lagu sheegay war-saxaafadeedka in dadkii dhaawacmay loo wareejiyay goobo caafimaad si loogu daweeyo.
Dhinaca kale, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay la beegsadeen guutada Al-Bara Bin Maalik, xilli ay ku guda jireen afurkii salaadii casar kaddib.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, 7 qof ayaa ku dhintay weerarkan, waxaana ku dhaawacmay 17 qof.Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan.
Guutada al-Baraa Bin Maalik waxay ka barbar dagaalameen ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) oo ay kula dagaalameen ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee Omdurman, oo waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Khartoum.
HBN NEWS DESK