Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inuu dacwad caalami ah u gudbiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo la xiriirta maamulka hawada. Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa xaqiijiyay in dacwadda loo gudbiyay hay’adda hawada ee Qaramada Midoobay.
Ujeedka dacwadda ayaa ah in Somaliland ay si madax-bannaan ula wareegto maamulka hawadeeda, isla markaana laga dhaafo nidaamka e-Visa ee DFS ku soo rogtay dadka u socda dalka. Wasiir Fu’aad ayaa sheegay in Soomaaliya aysan maamulin sida uu hadalka u dhigay hawada Somaliland, amarkeeduna uusan shaqeyn.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in maamulka hawadu u baahan yahay adeegyo gaar ah, sida oggolaanshaha degista diyaaradaha xaaladaha degdegga ah, maamulida garoomada Hargeysa iyo Berbera, iyo bixinta gurmad diyaaradaha shil gala. Arrimahan, ayuu yiri, Soomaaliya maka hirgelin karto Somaliland.
Somaliland ayaa go’aansatay in intii ay la hadli lahayd Soomaaliya ay marka hore raadiso ictiraaf caalami ah. Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay aqoonsiga Israa’iil iyo xeerarka qaar ee waddamada sida Kosovo iyo Taiwan oo loo oggolaaday in ay maamulaan hawadahooda.
Wasiir Fu’aad ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in nidaamka e-Visa loo isticmaalo sidii dhaqaale looga sameeyo iyo cadaadis lagu saaro bulshada Somaliland. Dhanka kale, Soomaaliya waxay sheegtay in e-Visa ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la socodka dadka soo galaya dalka.
HBN ONLINE TV

