Dab xooggan oo ka kacay Keymo ku yaal Puntland kaasoo gubay dhul-ballaaran

Guddoomiye ku xigeenka degmada Dangorayo ee dowlad goboleedka  Puntland C/nuur Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyay in dab xooggan uu qabsaday dooxa Dalsan. Dhacdadan oo la rumeysan yahay inay ka dhalatay kuleyl aad u daran iyo is bedelka cimilada ayaa sababay barakaca qoysaskii ku noolaa deegaankaasi.

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in dabkii maalintii Axadda ka kacay dooxada Dalsan ee hoostaga degmada Dangorayo uu si xowli ah ku sii fidayo. Kulaylka ka jira Soomaaliya ayaa uga sii daray xaaladda, waxaana dabka sii faafay dhul daaqsimeed aad u badan.

Maamulka Puntland ayaa dadaal u galay sidii ay ula dagaalami lahaayeen dabkaasi, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo. Si kastaba ha ahaatee dabkaasi kadib ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u badan, iyadoo qeybo badan oo ka mid ah keymahaasina ay gubteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in caqabado hor leh ay soo wajahday markii ay miinadu ku qaraxday keymaha, taasoo uga sii dartay xaaladii cakiran ee markii horeba jirtay.

Dhacdadaan ayaa lagu tilmaamay mid musiibo ah, taasi oo muujineysa sida gobolada Puntland ay ugu nugul yihiin dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka ka dhasha isbadalka cimilada.

Waxaa loo saaray guddi soo baara waxa sababay dabkan, iyadoo tuhunkii ugu horeeyay uu muujinayo saameynta isbedelka cimilada ee gobolka. Ma ahan wax ku cusub Puntland falalka dab-damiska ah, gaar ahaan dhulka keymaha ah ee ku dhow dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo si gaar ah ugu nugul dabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed