Dab si xun u baabi’iyey keymaha buurta daallo oo Sanaag ka holcaya iyo Somaliland oo fariin degdeg ah kasoo saartay

Dab aad xooggan oo maanta ka kacay keymaha buurta daallo ee waqooyiga gobolka Sanaag ayaa waxaa ka soo baxaya Faahfaahinno kala duwan oo ku aadan baaxadda dabka oo si saf balaaran ah ugu sii fidiyada.

Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saaray ayaa amartay ciidamada gurmadka degdeg ah inay galaan dabka ka holcaya Daalo ka holcaya sida uu sheegay wasiirka Deegaanka Cabdillaahi Cismaan Geeljire.

Dabka ayaa la soo werinayaa in uu aad u xooggan yahay, iyada oo hadda la filayo in loo daad gureeyo qaar ka mid ah ciidanka Somaliland ee ku sugan Talisyada gobolka Sanaag, inkasta oo Ciidan kooban oo dab damis ah iyo dadka deegaanka ay ku howlanyihiin sidii loo xakameyn lahaayeen dabka oo si xowli ah ku sii fidaya, sida uu ay ku waramayso warbaahinta gudaha.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in dabka ka kacay Daalo iyo Gaacidh uu yahay mid baaxaddiisu aad u weyn tahay isaga oo dadka ka dalbaday in gurmad xooggan la soo gaaraan.

Dhanka kale, Wasiiradda Amniga gudaha Somaliland Cabdirashiid Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyiinta Togdheer iyo Saaxil in ay gurmad degdeg ah fidiyaan si loo damiyo Dabka ka kacay Buuralayda Gobolka Sanaag, kaasi oo ku socda si xawli ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed