Dab sababay khasaare dhimasho oo naxdin leh oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Waxaa maanta Hargeysa ku geeriyooday 5 qof oo isku qoys ah, kadib markii uu dab xooggan uu qabsaday guri ku yaalla magaalada oo ay deganayeen. Dadka dhintay waxaa la sheegay inay kala ahaayeen hooyo, saddex carruur ah, iyo habaryarteed.

Guriga ay ku noolaayeen dadkaas waxaa la sheegay in keliga Ayeeyada reerka ay ka badbaadeen, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku sugan Hargeysa, Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Kooxda dab-damis ee dowladda hoose ee Hargeysa ayaa gurmad degdeg ah sameeyay, waxayna ku guuleysteen in ay damiyaan dabka. Waxaa sidoo kale la filayaa in mas’uuliyiinta maamulka magaalada halkaas tagaan si ay faahfaahin dheeraad ah uga bixiyaan dabkaas.

Sidoo kale, waxaa jira digniin ku saabsan dabeylo xooggan oo ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo lagu boorinayo dadka inay ka taxaddaraan waxyaabaha dabka dhalin kara sida korontada, gaaska wax lagu karsado, iyo dabka furan, maadaama dabeyluhu ay sii xoojin karaan dabka haddii uu kaco.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed