Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool oo ku jiro xilli ciyareed niyad jab ah oo go’aamiyay mustaqbalkiisa Anfield

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Ryan Gravenberch ayaa lagu soo waramayaa inuusan dooneyn inuu ka tago Anfield inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa waqti niyad jab leh ku qaatay xirfadiisa, markii hore ee Bayern Munich halkaasoo uu si dhib leh u isticmaali jiray Julian Nagelsmann ama Thomas Tuchel.

Intaa kadib Liverpool ayaa awooday in ay heshiis 40 milyan oo euro ah la gaadho kooxda reer Germany taas oo 21 jirkan siisay fursad uu ku bilaabo xirfadiisa ciyaareed.

Ilaa xad, taasi waa waxa shaqeeyay, Gravenberch waxa 34 jeer isticmaalay Jurgen Klopp tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, kaliya 20 ka mid ah ciyaarahaas ayaa ka yimid weerarka, halka Gravenberch uu dhaliyay kaliya afar gool iyo labo caawin.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay weriyaha Sky Sport Deutschland Florian Plettenberg, faallooyinka X, Gravenberch wuxuu doonayaa inuu sii joogo Merseyside.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed