Ciyaartooyada u soo laabtay Arsenal iyo kuwa ka maqan ka hor kulanka adag ay wajahayan kooxda Wolves

Arsenal ayaa soo dooran karta shax aan waxba iska badalin kulanka ay maanta booqanayaan kooxda Wolves.

Gunners ayaa 6-0 ku garaacday Lens kulankii Champions League Arbacadii, Mikel Arteta ayaana awood u yeelan doona inuu magacaabo XI la mid ah Premier League haddii uu rabo.

Ben White ayaa la filayaa inuu ku soo laabto daafaca midig ka dib markii uu kursiga keydka fadhiyay bartamihii isbuuca, halka Leandro Trossard uu yahay ciyaaryahan kale oo laga yaabo in uu qeyn ka noqdo kulankaan

Arsenal ayaa wacdaro ka dhigtay Lens, waxaana markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan Arteta uu soo bandhigay lix weerar oo xiisa leh oo khadka dhexe ah Declan Rice, Martin Odegaard iyo Kai Havertz – iyo seddexda hore ee Bukayo Saka, Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli.

Gunners waxaa ka maqan Thomas Partey, Emile Smith Rowe, Fabio Vieira iyo Jurrien Timber booqashada Wolves.

Arsenal safkeeda ayaa noqon karo (4-3-3): Raya; White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Jesus, Havertz; Saka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed