Cirro oo ku guuleystay doorashada madaxweyne ee Somaliland oo guddiga doorasha uu shaaciyey

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in uu ku guuleystay doorashada madaxtnimo ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cigaal (Cirro) oo Xisbiga Waddani ku metalay Doorashadii 13-kii Bishaan dhacday.

Guddiga Doorashooyinka oo si kumeel gaar ah u shaaciyey natiijada ayaa sheegay in ay codeeyeen dad gaaraya 664,188 oo u dhiganta (53%), halka ku xigeenkiisa uu ku guuleystay Maxamed Cali Cabdi Muxumed.

Maxkamadda Sare Somaliland ayaa loo gudbiyay Natiijada ka soo baxday doorashada ee sida ku meel-gaarka ah u shaaciyay Guddigii howshaan qabtay, waxaana Xisbigii cabasho qaba uu heystaa in muddo 7 cisho oo maanta ka billaabaneysa uu ku gudbiyo cabashadiisa.

Madaxweynaha guuleystay ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhowaan ku ololeeyay in uu sameynayo isbaddel weyn oo la xiriira siyaasadda Somaliland, waxa uu hadallo adag uu kala hortagay Madaxweynihii uu ka guuleystay ee Muuse Biixi Cabdi.

Labada Xisbi ee ugu saameynta badnaa doorashada Somaliland ee Kulmiye oo muudo dheer xukun soo hayey iyo Waddani oo mucaarad ku ahaa ayaa ku kala wareeegay libinta doorashadii dhacday 13kii Nofeembar 2024.

Waxaa jira in saameyntiisu yaraatay dhanka codadka la shaaciyey xisbiga saddexaad ee UCID, kaasi oo booskiisa xisbinimo uu gali doono Kaah oo codad aad u badan ku soo baxay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed