Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo fuliyey howlgal lagu beegsaday fariisimo Alshabaab ka soo abaabuli jireen weerarada

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Alshabaab.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo Dhanbalka oo hoos yimaada deegaanka Deynuunay. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada, Gashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Nishow Cali iyo Taliyaha Daraawiishta Burjaad Gaashaanle Awul Ibraahim Cabdullaahi, ayaa sheegay in ay beegsadeen xarrumo muhiim ah oo ay kooxda weerarada ka soo abaabuli jireen.

Saraakiishu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in howlgallada lagu burburiyay xarumo iyo agab ciidan oo ay kooxda Alshababa isticmaalayeen, ayna sii wadi doonaan hawlgallada ilaa laga xaqiijinayo amniga deegaannada gobolka Baay.

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah AS, iyadoo lagu dadaalayo in la sugo amniga shacabka iyo deegaannada muhiimka ah ee Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed