Ciidanka Xoogga oo soo saaray digniin adag oo la xariirta isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota bulshada, gaar ahaan ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku hawlan isticmaalka ama adeegsigga calaamadaha, darajooyinka, iyo gaadiidka gaarka u ah ciidamada, taas oo lagu tilmaamay arrin amni-darro keeni karta.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in si buuxda loo mamnuucay in cid aan ciidanka ka tirsaneyn ay isticmaasho dareeska, darajooyinka, calaamadaha iyo astaamaha kale ee gaarka u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Taliska ayaa si gaar ah uga digay in cid aan ciidanka ahayn ay isticmaasho: Dareeska Ciidanka XDS, Darajooyinka Ciidanka XDS, iyo Calaamadaha iyo astaamaha kale ee gaarka u ah Ciidanka XDS,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale Taliska CXD ayaa faray ganacsatada leh garaashyada iyo goobaha dayactirka gaadiidka in aysan wax isbeddel ah ku samayn karin gaadiidka ciidamada, isla markaana aanay beddeli karin midabkooda, calaamadooda ama uusan u adeegsan karin waxyaabo kale oo aan oggolaansho rasmi ah lahayn. Waxaa sidoo kale la mamnuucay in garaashyada ay dayactir ama cillad bixin u sameeyaan gaadiidka ciidamada iyadoo aan amar rasmi ah laga haysan taliska.

Xogo ay warbaahinta heshay ayaa intaas ku daraya in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen baaritaan ku saabsan gaadiidka ciidanka, si loo hubiyo sax ahaanshahooda iyo cidda leh, iyada oo la xaqiijinayo in aan la adeegsan gaadiidka ciidanka si aan sharci ahayn.

Taliska CXD ayaa ku celiyay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono qof kasta oo lagu qabto isagoo adeegsanaya agabka ama astaamaha ciidanka, iyadoo arrintaas lagu dabaqi doono xeerarka iyo nidaamka ciidamada.

Ugu dambeyntii, Taliska Ciidanka ayaa shacabka ugu baaqay inay ixtiraamaan sharciyada ciidamada iyo astaanta qaranka, isla markaana ka fogaadaan isticmaalka ama ganacsiga agabka iyo calaamadaha u gaarka ah ciidamada, si loo ilaaliyo amniga iyo sumcadda ciidamada qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed