Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay deegano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaano Istiraatiiji ah oo muddo dheer ay ku sugnaayeen kooxda Alshabaab kuwaasi oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaannada Macalinka, Baladul Amiin, Cumar Beere iyo Balow ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee gobolka, maadaama ay ku yaallaan marinno muhiim ah.

Ciidanka Xoogga ayaa durbadiiba bilaabay nadiifinta iyo baaritaanka miinooyinka culus ee lagu aasay goobahaas, iyagoo sidoo kale isku howlay sugidda amniga tuulooyinka, si shacabka deegaanka ay ugu soo laabtaan sida hadalka loo dhigay nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa.

Howlgalkan ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la tilmaamay inuu qayb ka yahay dagaalka ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo sanadkan la dardargeliyay xoogiisa, waxaana lagu guuleystay in deegaanno badan oo muddo gacanta ugu jiray laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed