Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya CXDS iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan qeybta Uganda, ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan-ku-haynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib howlgal qorshaysan oo loogu magac daray “Duufaanta Aamusan” oo looga saaray kooxda Alshabaab.
Howlgalka oo ahaa mid si xeeladaysan loo fuliyey ayaa ciidamada ay ku xaqiijiyeen amniga degmada, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka kale ee gobolka Shabeellaha Hoose ee hoos taga ee maamulka Koonfur Galbeed.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen Awdheegle, isla markaana ay haatan wadaan howlgal baaris iyo nadiifin ah si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaanka.
Saraakiisha milatari ee hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ay tahay in laga xoreeyo kooxda Alshaabab deegaannada ay weli ku dhuumaalaysanayaan gobolka, ayna ciidamada sii wadi doonaan howlgalada ka socda guud ahaan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Shabeellaha Hoose.
Howlgalka “Duufaanta Aamusan” ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo ciidamada AUSSOM ay ku doonayaan inay ku sugaan amniga iyo xasiloonida deegaannada laga saaro Alshabaab.
Labadii bil ee la soo dhaafay gobolka waxaa ka socday abaabul iyo guluf balaaaran oo lagu doonayey in kooxda looga saaro degmada Awdheegle, iyada oo ay tageen masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo taliska ciidamada xoogga dalka.
HBN ONLINE TV