Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa shaacisay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay tuulada Abal oo 21-km koofur ka xigta magaalada Xudur, lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Alshabaab, kaasi oo lagu eedeeyey inuu maleegay howlo lagu dhibaataynayo sida hadalka loo dhigay dadka rayidka ah.
Taliska Ciidamada xoogg dalka ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Maxamed Nuur (Goofoow) uu ahaa amiirka saldhigga tuulada Abal, isla markaana ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarro lagu sifeeyey kuwa argagixiso oo lagu dhibaateyn jiray shacabka gobolka Bakool.
Tuulada Abal ayaa horey u ahayd fariisin muhiim u ah kooxda, waxaana halkaas ka fulin jireen howlo badan oo lagu sheegay kuwa amni-darro.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intaasi ku daray in howlgalka lagu qabtay hub iyo dukumentiyo muujinaya qorshayaal lagu carrababaay kuwa argagixiso oo laga helay Goofoow.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku adkeystay in howlgalladu sii socon doonaan si looga hortago meel ay Al-Shabaab ku dhuuman karto, ayna dalka ka hirgasho nabad iyo xasillooni.
Howlgalka wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo dhamaadka todobaadkii hore, howlgal ciidan ka fuliyeen tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 kiiloomitir Koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay, taasi lagu dilay laba xubnood oo muhiim ah oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo lagu kala magacaabo Yaxye (Abuu Khaalid), oo ka mid ahaa abaabulayaasha weerarrada iyo Shariif (Amiir), kaas oo u dhintay dhaawacyo culus oo uu ku qaatay howlgalka.
HBN ONLINE TV

