Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka KGS oo weerar Khasaare sababay ku qaaday saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen gobolka Baay

Ciidamada deegaanka ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday xero ay deganaayeen kooxda Alshabaab, taas oo ku taalla duleedka deegaanka Kurtun ee gobolka Baay. Weerarka oo si degdeg ah loo fuliyey ayaa sababay sida la tilmaamay khasaare culus oo kooxda lagu gaarsiiyey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka. Intaa waxaa dheer in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay horey u haysteen Khawaarijta.

Sidoo kale, Tv-ga afka maamulka Koonfur Galbeed ku hadla ayaa sheegay in dagaalka maanta ka dhacay Kurtun in lagu dilay sida uu hadlaka u dhigay 10 xubnood, balse ma anaay soo bandhigin wax cadeyn ah, marka laga reebo sawiro lagu baahiyey goobaha ay howlkan Ciidamada Koonfur Galbeed ka fuliyeen.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah sida la tilmaamay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Alshabaab ee ku sugan qaybo kamid ah gobolka Baay, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka lagu amaanay feejignaanta iyo geesinimada, inkasta oo ay wajahaan badi xaalado adag oo ku aadan weeraro gaadmo ah iyo dagaallo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kooxda kala kulmaan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarrada noocan ah la sii wadi doono ilaa laga suuliyo sida hadalka loo dhigay Alshabaab deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed