Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan ayaa maanta sheegay in unugyadooda difaaca cirka ay soo rideen kana hortageen diyaarado aan duuliyaha lahayn oo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ay isku dayeen inay ku weerarraan kaabayaasha muhiimka ah ee waqooyiga dalka.
Sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, RSF-du waxay isku dayeen inay bartilmaameedsadaan saddex goobood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah xarunta Taliska Guutada 19-aad, Garoonka Diyaaradaha Merowe iyo Biyo-xireenka Merowe oo ka mid ah xarumaha koronto-dhalinta ee ugu waaweyn Suudaan.
Guutada 19-aad ayaa bayaan ku sheegtay in dhammaan diyaaradaha drones-ka ah dhulka la soo dhigay ka hor intaysan gaarin goobaha ay ku socdeen, isla markaana ciidamadoodu heegan buuxa ku jiraan si ay uga jawaabaan weerarro kale oo RSF ku beegsan karto gobolka Waqooyi.
Shabakada wararka ee Sudan Tribune (TIRIBIYUUN) ayaa xusay in weerarro hore oo drones ah ay waxyeello u geysteen xarumo koronto, taas oo keentay koronto-la’aan ku dhacday kumannaan qof.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa imanaysa xilli Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio uu ugu baaqay beesha caalamka inay joojiyaan hubka loo diro RSF, isaga oo ku eedeeyay inay geystaan “xadgudubyo nidaamsan” oo ka dhan ah dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kufsi.
Dalka oo dhan, dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF ayaa sii baahay, iyadoo RSF ayaa bishii hore gacanta ku dhigtay inta badan gobollada Darfur, halka dagaalku uu hadda ku fidayo Kordofan iyo dhulka waqooyi.
Dagaalka Sudan oo galay sannadkii saddexaad ayaa lagu dilay kumannaan, barakiciyay qiyaastii 12 milyan, kuna riixay malaayiin qof xaalad macaluul halis ah.
Toddobaadkii hore, RSF ayaa sheegtay inay ogolaatay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo ay soo jeediyeen dalalka Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Maraykanka. Si kastaba, weerarradoodu waxay sii wadeen magaalooyinka uu ciidanku gacanta ku hayo, oo ay ku jiraan Khartoum, Atbara iyo Merowe.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ciidanku soo dhoweynayo dadaallada dhexdhexaadinta, balse kaliya ogolaan doona xabbad-joojin haddii RSF ka baxdo dhammaan goobaha rayidka ah oo ay dhigto hubkeeda, sida ku cad heshiisyadii nabadeed ee hore.
HBN Online TV

