Ciidanka Suudaan oo gacan ku dhigay magaalo Istraatiiji ah oo ku taal gobolka Jaziira

Ciidanka Suudaan ayaa war qoraal ah oo ay soo saaren waxay ku sheegeen in maanta ay gacanta ku dhigeen magaalada Wad Madani, islamarkaana ay ka qabsadeen Ciidamada Gumarka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF.
Warka ayaa lagu sheegay in ay horumar ka sameynayaan dhamaan jihooyinka isla markaana ay wadaan in ay magaalada ka nadiifiyaan haraadigii RSF.

Taliyaha howlgalka gaarka ah ee ciidanka Suudaan ee aagga Sennar, Fatah Alim Al-Shoubli, oo sheegay in ciidanku uu si buuxda ugu taliyo magaalada Wad Madani, isla markaana uu ka wado baaritaano baahsan, halka Ciidamada Gumarka Degdegga ah ay u carareen woqooyiga Wad Madani dhanka Hassahisa iyo Kamleen.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in horumarka ciidanku uu sii socon doono ilaa laga xoreeyo guud ahaan gobolka iyo dhammaan dalka Suudaan, sida uu hadalka u dhigay.
Magaalooyinka Atbara, Port Sudan, Omdurman, Kosti iyo kuwa kale ayaa waxaa ka dhacay mudaharaadyo ay sameynayeen shacabka oo muujinaya farxaddooda ku aaddan dib u qabsashada magaalada Wad Madani.

Bishii Diseembar 2023, Ciidamada Gumarka Degdegga ah oo uu hoggaaminayo Abu Akleh Kikl ayaa la wareegay magaalooyin badan oo ku yaalla gobolka, oo ay ku jirto magaalada Wad Madani oo ah xarunta gobolka Jaziirah.
RSF waxay gacanta ku hayaan qaybaha badan ee gobolka marka laga reebo magaalada Manaqil iyo nawaaxigeeda ilaa xadka gobolka Sennar ee koonfurta, iyo galbeedka ilaa xadka gobolka White Nile.

Tan iyo bartamihii Abriil 2023, ciidanka Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ayaa ku jiray dagaal sababay in ka badan 20,000 oo dhimasho ah iyo qiyaastii 14 milyan oo barakacayaal iyo qaxooti ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay iyo maamulka maxalliga ah, halka cilmi baaris ay sameeyeen jaamacado Maraykan ah ay ku qiyaaseen dhimashada ilaa 130,000.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed