Ciidanka Sudan oo ku qulqulaya Khartoum Iyadoo dagaalku sii xoogaysanayo

Maanta waxaan ku bilaabaynaa dagaalka Suudaan, halkaasi oo lagu soo waramayo in ciidamada dawlada ay horumar weyn ka sameeyay iska horimaadyada ka socda caasimadda toddobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo gaaray qaybaha koonfurta bari ee Khartoum.

Horumarkan cusub wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ku aaddan dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF, kuwaas oo gacanta ku hayay inta badan magaalada tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil 2023.

Sida ay maanta sheegtay warbaahinta maxalliga ah, ciidanka Sudan iyo xoogagga taageeraya ayaa galay qaybo ka mid ah gobolka Khartoum ee koonfur-bari iyagoo ka soo galay gobolka Jasiira. Goobta Al-Caynfuun, oo ku taalla koonfur-bari Khartoum, waxaana halkaasi ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo ay ciidanka Sudan ugu sii gudbayaan caasimadda.

Ilo wareedyo milateri ayaa xaqiijiyeen in ciidanka qorsheynayo in ay go’doomiyaan gobolka webiga bari, halkaas oo RSF si weyn ugu xooggan tahay, kahor inta aysan si toos ah ugu gudbin gudaha Khartoum.

Warar kale oo milateri ayaa muujinaya in ciidanka Suudaan ee ka soo baxay gobolka Niilka Cad ee koonfurta Khartoum, iyo gobolka Manaqil ee galbeedka Jasiiira, waxaana ay cadaadis badan saarayaan RSF. Ujeedkooda ugu weyn ayaa ah in ay la wareegaan wadada Jabal Al-Awlia—taas oo ah marin dhuleedkii ugu dambeeyay ee RSF ay taageero uga heli jirtay dhanka koonfureed iyo galbeed ee Khartoum.

Khabiiradu waxay saadaalinayaan in gobolka Khartoum uu noqon karo goob dagaal oo aad u kulul haddii ciidanka Suudaan ay si buuxda ugu dhex galaan magaalada oo ay dagaal toos ah la galaan RSF.

Laba toddobaad ka hor, ciidanka Suudaan oo uu hoggaaminayo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa dib ula wareegay xarunta Taliska Guud ee Khartoum, oo ay RSF qabsatay bishii Agoosto 2023. Ka hor intaas, ciidanka ayaa jabiyay go’doomintii saarneyd warshadda sifaynta shidaalka ee Al-Jili, oo ah tan ugu weyn dalka, iyo magaalada Wad Madani oo ah caasimadda gobolka Jazira.

Bilowgii dagaalka bishii Abriil 2023, RSF waxay la wareegtay inta badan magaalada Khartoum waxayna u sii fideen dhanka koonfureed iyagoo qabsaday gobolka Jasiira. Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyada milateri ee hadda socda waxay muujinayaan in ciidanka Sudan ay dib u helayaan awooddooda.

Dagaalka socda wuxuu sababay musiibo bini’aadantinimo oo daran. Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay tobanaan kun, halka in ka badan 12 milyan oo qof ay ku qasbanaadeen in ay ka barakacaan guryahooda. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in malaayiin qof ay haatan halis ugu jiraan macaluul ba’an maadaama ay gabaabsi yihiin sahaydii muhiimka ahayd.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed