Ciidanka Sudan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay horumar weyn ka sameeyeen caasimadda Khartuum, iyagoo la wareegay degmada Rumaila, xarunta sahayda caafimaadka yo daabacaadda lacagaha.
Ilo wareedyo dhanka dagaalka ah ayaa u sheegay Al Jazeera in ciidanka gaashaaman ee Sudan ay gacanta ku dhigeen dhammaan xaafadaha Rumaila iyo Al-Sajana iyo sidoo kale aagga warshadaha ee galbeedka Khartuum.
Waxa kale oo ay sheegeen in ciidanku hadda uu u dhow yahay waddada Al-Ghaba, taasi oo toos u tageysa bartamaha Khartuum halkaas oo ay ku sugan yihiin xoogagga Gurmadka Degdegga ah (RSF). Waxay intaas ku dareen in ciidanka gaashaaman ay qorsheynayaan inay ku biiraan unugyada kale ee ciidamada ee aagga Muqrin iyo xarunta Taliska Guud ee bartamaha magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen tan iyo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyaha Golaha Sare ahna taliyaha ciidanka Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, in uu booqday jiidda hore ee dagaalka, halkaasi oo uu ka sheegay in ciidanku uu u dhow yahay inuu la wareego buundada Soba, taasoo isku xirta galbeedka iyo bariga Khartuum. Buundadani waa mid istiraatiiji ah aadna muhiim ugu xoogagga RSF, maadaama ay isku xirto bariga webiga Niil iyo Khartuum, taasi oo u fududeyneysa dhaqdhaqaaqooda, sidaas aawadeedna dagaalku wuxuu noqon karaa mid aad u xooggan.
Burhan wuxuu sharaxay in la wareegidda buundadan ay micnaheedu tahay waa sida hadalka uu u dhigayee in si weyn loo adkeeyo xakamaynta RSF ee Khartuum, maadaama ay xoogaggoodu si ballaaran ugu sugan yihiin bariga webiga Niil. Ciidamada Sudan waxay baahiyeen sawirro muujinaya Al-Burhan oo tagaya magaalada Wad Abu Saleh, oo ku taalla bariga webiga Niil ee bariga Khartuum, halkaas oo ay ciidamada Sudan dib uga qabsadeen RSF labadii maalmood ee la soo dhaafay. Burhan wuxuu ballan qaaday inuu RSF ka saarayo dhammaan gobolka Khartuum.
Dhinaca kalena waxaa la soo warinayaa in duqeymo ay ka dhaceen magaalada El Fasher, ilo ciidan oo xog ogaal ah ayaa u sheegay telefishanka Al Jazeera in diyaaradaha dagaalka ee Sudan ay Arbacadii aroortii weerarro cirka ah ka fuliyeen magaalada El Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur.
Ilaha xog ogaalka ahi waxa ay soo wariyeen in duqeyntu bartilmaameedsatay goobaha ay ku sugan yihiin waxa uu ku tilmaamay maleeshiyada Taageerada Degdegga ah, isagoo xusay in magaalada ay xasilneyd tan iyo shalay, marka laga reebo duqeymihii cirka ee dhacay. Sidoo kale, ilo dhanka dagaalka ah ayaa u sheegay isla Al Jazeera in ciidanka Sudan ay la wareegeen magaalada al-Kamleen, taasoo ahayd saldhiggii ugu dambeeyay ee RSF ku lahaayeen gobolka dhexe ee Jasiira, oo qiyaastii 65 km u jirta caasimadda Khartuum.
Isha warka ayaa intaas ku dartay in ciidanku u ruqaansaday dhanka waqooyi, iyagoo qabsaday dhowr tuulo iyo magaalo, waxaana hadda ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan gobolka Jazira marka laga reebo goobo yar oo ku dhow Khartuum sida Abu Quwa iyo Al-Baqir.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka Sudan ay dagaallo culus kula jiraan RSF, gaar ahaan iyagoo ku sii siqaya Khartuum, halkaas oo RSF is ku uruursadeen kadib markii ay ka baxeen Wad Madani ama ay ka yimaadeen dhanka gobolka Jazira. Wuxuu intaas ku daray in ciidanku uu dagaal kaga soo wajahan yahay saddex jiho: bariga webiga Niil oo u dhow bariga Khartuum, koonfurta Khartuum oo laga imanayo magaalada Kamleen, iyo dhinaca gobolka Nile-ka Cad.
Tan iyo 31-kii Janaayo, ciidanka Sudan ayaa dib u bilaabay hawlgalladoodii millatari ee gobolka Jazira oo dhaca bartamaha Sudan, halkaas oo ay kula wareegeen magaalooyinka Rifaa, Tambol ee bariga gobolka, iyo sidoo kale Hassahisa oo waqooyiga ka xigta gobolka. Sidoo kale, ciidanku wuxuu gacanta ku dhigay deegaanada Al-Alifoun, Um Dawa Ban, Al-Usaylat, iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Bariga Nile ee Khartuum.
Tan iyo bartamihii Abriil 2023, Sudan waxay ku jirtaa dagaal ka dhashay kacdoonka RSF oo ka dhan ah ciidanka Sudan, dagaalkaas oo ilaa hadda lagu dilay in ka badan 20,000 oo qof, ayna ku barakaceen qiyaastii 14 milyan, sida ay sheegayaan xogaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah. Qiyaaso kale ayaa tilmaamaya in tirada dhimashada ay aad uga badan tahay intaas la shaaciyay.
HBN ONLINE TV