Ciidanka Sudan oo Horumar Ka Sameeyay Khartoum, Dib Ugu Qabsaday Goobo Istiraatiiji Ah

Afhayeenka ciidanka Sudan, Sarreeye Guuto Nabil Abdullah, ayaa ku shaaciyay in ciidamada qalabka sida ay ku guuleysteen inay ka saaraan Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) magaalada warshadaha ee Giad, taasoo 30 km u jirta bartamaha caasimadda Khartoum.
Horumarkan ayaa qayb ka ah dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada Sudan iyo RSF tan iyo Abriil ee 2023.

Dib u qabsashada magaalada warshadaha ee Giad waxay ciidanka Sudan u dhawaynaysaa buundada istiraatiijiga ah ee Soba, taasoo isku xirta bariga iyo galbeedka Khartoum.
Telefishanka Al Jazeera ayaa sidoo kale soo wariyay in ciidanku ay la wareegeen xaafadda Pearl oo ah goob istiraatiiji ah oo ku dhow albaabka laga galo buundada Soba.

Ciidamada qalabka sida ee Sudan ayaa sii wada horumarkooda gudaha xaafadda Kafouri, oo ah saldhiggii ugu dambeeyay ee RSF kaga sugneed waqooyiga Khartoum, halkaas oo ay kula wareegeen dhowr guri oo waaweyn.

Ciidanka ayaa madaafiic culus ku garaacay fariisimaha RSF ee Khartoum iyo bariga wabiga Nile. Sidoo kale, askarta militariga ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya hub iyo qalab ciidan oo ay ka qabsadeen RSF ee gudaha xaafadda Kafouri.

Dhanka kale, ilo maxalli ah iyo kooxo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa sheegay in RSF ay weeraro ku qaadeen dhowr tuulo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Nile-ka Cad, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 20 qof, dadkii degganaa tuulooyinkaasna ay ka barakaceen.

War qoraal ah oo ka soo baxay ururka Nidaa al-Wasat, oo u xilsaaran la socodka xadgudubyada, ayaa xaqiijiyay in weeraradan ay la socdeen dhac baahsan, taasoo keentay in dadka deegaanka ay u qaxaan gobolka Jazira iyo galbeedka wabiga Nile.

Dagaalka dhexmaraya ciidanka Sudan iyo RSF oo soo bilowday Abriil 2023 ayaa barakiciyay in ka badan 12 milyan oo qof, taasoo sii xoojisay xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta dalka Sudan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed