Ciidanka Sudan Oo Dib Ula Wareegay Warshadda Saliidda Al-Jelly Iyadoo Dagaal Xooggan Socdo

Ciidanka Sudan ayaa maanta ku dhawaaqay inay si rasmi ah dib ugu qabsadeen warshadda saliidda ee Al-Jelly, oo ku taalla waqooyiga magaalada Khartoum, kaddib dagaallo culus oo ay la galeen Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF. Tani waxay calaamad u tahay isbeddel muhiim ah oo ku saabsan maamulidda warshadda saliidda ugu weyn ee Sudan.

Sawirro dayax-gacmeed oo ay heshay wakaaladda wararka ee AP ayaa muujiyey in dagaallo ka dhacay warshadda ay sababeen dab qabadsaday qaybo ka mid ah xarunta, taasoo keentay in qiiq madow iyo uuro cirka isku shareertay caasimadda Khartoum. Dabkan ayaa walaac ka dhaliyey wasakhowga deegaanka iyo burburka muddada fog ee ku dhici kara kaabayaasha muhiimka ah ee saliidda dalka.

Warshadda Al-Jelly, oo ku taalla qiyaastii 60 kiiloomitir waqooyiga Khartoum, ayaa waxaa wada leh dowladda Sudan iyo Shirkadda Saliidda Qaranka ee Shiinaha. Warshaddan ayaa noqotay bartilmaameed istaraatiiji ah iyo mid dhaqaale oo ay ku loolamayaan ciidanka RSF iyo kuwa milateriga Sudan.

RSF ayaa sheegatay inay gacanta ku haysay warshadda tan iyo bishii Abriil 2023, iyagoo warshadda ku wareejiyay miinooyin dhulka lagu aasay si ay u gaabiyaan horumarka ciidanka dowladda. Si kastaba ha ahaatee, warka kasoo baxay ciidanka Sudan wuxuu muujinayaa guul istaraatiiji ah oo ay ku xaqiijinayaan dib u qabsashada goobaha muhiimka ah ee gobolka.

Warshadan ayaa maalintii soo saari jirtay ilaa 100,000 foosto oo shidaal ah maalintii,xogta dayax-gacmeedka NASA ayaa tilmaantay in weerar cusub oo Khamiistii dhacay uu dab ka dhaliyay guud ahaan xarunta, taasoo halis gelisay awooddeeda hawlgalka.

Warshadda Al-Jelly ayaa noqotay xarunta dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidanka milateriga Sudan, iyadoo labada dhinac ay isku eedeeyeen in mid walba uu mas’uul ka yahay dabka cusub. Colaadaha sii socda ayaa burbur xooggan gaarsiiyay kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, taasoo sii xumeysay xaaladda dhaqaale iyo tan bini’aadannimo ee Sudan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed