Ciidanka Sudan oo deegaano muhiim ah kala wareegay xooggagga RSF & dagaallo culus oo socda

Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in military-ga Sudan ay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ku yaal xadka gobollada Senner & Al Jaziira halkaasi oo ay ka socdeen dagaallo ba’an oo u dhaxeeya ciidamada dawlada & xooggagga Gurmadka Degdeg ah ee loo yaqaano RSF, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Sudan, Yassin Ibrahim.

Goobaha la qabsaday waxaa ka mid ah deegaanka warshadda sonkorta Sennar oo bishii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeyey labada dhinac, kuwaas oo badankood ku dhammaaday in ciidanka dawlada ay dib u gurteen halka RSF ay gacanta ku haysay warshadda. Warshaddan waxa ku hareereysan tuulooyin iyo magaalooyin badan, hase yeeshee saacadihii la soo dhaafay ayey ciidanka ku guuleysteen inay dib u qabsadaan iyagoo fuliyey hawlgal milatari oo ka bilowday waaberigii, kaas oo uu ka horreeyey duqeyn cirka ah oo ay sameeyeen diyaaradaha dagaalka.

Dhinaca kale, dagaallo culus ayaa maantaa ka dhacay bartamaha Sudan, gaar ahaan magaalada Um al-Qura oo ku dhow magaalada Wad Madani ee caasimadda gobolka Jaziira. Wasiirka Difaaca Sudan ayaa sheegay in ciidanka ay dib ula wareegeen magaalada Um al-Qura, waxaana hadalkiisa xoojiyay muuqaallo ay baahiyeen ciidanka Sudan oo xaqiijinaya inay gacanta ku hayaan magaaladaas.

Ciidanka kuma ekaan guusha Um al-Qura, waxayna hadda doonayaan inay si buuxda u qabsadaan magaalada Wad Madani. Sida laga soo xigtay ilo milatari oo dhulka jooga, ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyinka Wad al-Mahidi, waqooyi-bari Wad Madani, iyo tuulooyinka Al-Huraiz iyo Rama oo ka xiga dhinaca bari magaalada Wad Madani.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka ay go’doon ku sii adkeynayaan xoogagga Gurmadka Degdega ah ee ku jira Wad Madani, taas oo weli gacanta ugu jirta RSF tan iyo Diseembar 2023, iyagoo sidoo kale heysta magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka Jezira.
Isla wararkan, Dagaallo kale ayaa ka dhacay caasimadda Khartuum iyo Kordofaan Waqooyi, iyadoo maanta ay ciidanka isticmaaleen hub culus, diyaarado dagaal iyo madaafiicda istiraatiijiga ah.

Caasimadda Khartuum, oo si joogto ah loogu dagaallamo ayaa ciidanka Sudan maanta waaberigii la wareegeyn qaybo waaweyn oo ka tirsan degmada Ombada, oo ku taalla galbeedka Omdurman.
Ilo-wareed ayaa u sheegay warbaahinta in ciidanka ay gacanta ku dhigeen aagga dariiqa lixaad ee Ombada oo horay ay RSF u maamuleysay.

Xoogaggii dagaalka ku jiray ayaa sii wada horumarinta dhulkooda si ay u qabsadaan dhammaan degmada Ombada, halkaas oo qayb ka mid ah ay ciidanku heystaan, oo ay ku jiraan saldhigyada booliiska iyo xafiisyada dacwad-oogista, halka RSF ay weli gacanta ku hayso xaafadaha galbeedka Ombada, sida aagga Suuqa Liibiya.

Waqooyiga Khartoum, ciidanka ayaa ku guuleystay inay dib ula wareegaan magaalada Hajar al-Assal oo ku dhow warshadda sifeynta ee Al-Jili. RSF ayaa horay u qabsatay magaaladaas, hase yeeshee ciidanka Sudan ayaa soo bandhigay muuqaallo muujinaya horumarkooda waqooyiga Bahri.
Intaas waxaa sii dheer, ilo-wareedyo sheegay in ciidanku ay dib u qabsadeen dhismooyin ku yaalla xaafadda Shambat oo u dhow Waqooyiga Khartoum, sida xarunta Amara Zarqa oo ay horay ugu dhuumaalaysanayeen RSF.

Waxaa xusid mudan in ciidanka Sudan oo qeyb ka ah hawlgal weyn oo dhulka ah oo ay fuliyeen dabayaaqadii Sebtember, ay ku guuleysteen inay qabsadaan aagga Muqrin ee u dhow bartamaha Khartuum, Halfaya, Aziraq, iyo dhammaan xaafadda Kadro oo ku taalla waqooyiga Khartoum, iyagoo isku dayaya inay dhex galaan dhanka waqooyi ee magaalada Khartoum.
Ciidanku waxay qorsheynayaan inay qaadaan go’doonka ku hareereysan xarunta ciidanka ee Khartoum iyo xarunta isgaarsiinta oo ku taalla dhinaca koonfureed ee Khartoum North.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed