Ciidanka Puntland oo dilay xubin Daacish ah oo lagu qabtay isagoo ku jiray fal halis ahaa

Ciidamada Puntland ayaa dilay nin ka tirsanaa kooxda Daacish, kadib markii lagu qabtay isaga oo miinooyin ku aasaya inta u dhexeysa deegaanka Turmasaale iyo Makadaan ee buuraha calmismaad.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay ciiidamada furinta hore ee Puntland, ninkan Daacish ka tirsan ayaa la toogtay xilli uu isku dayey inuu miinooyin dhigo wadooyinka muhiimka ah ee u dhexeeya labadaas deegaan.

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay miinooyin badan oo uu ku waday jawaan, kuwaas oo ay markii dambe si amaan ah u qarxiyeen.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dagaalka joogtada ah ee Puntland kula jirto kooxaha xagjirka ah ee gobolka ku sugan, si loo sugo amniga iyo xasilloonida deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed