Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku guuleystay howlgallo lagu qabtay sahay Shidaal oo u socotay Al-Shabaab isla markaana wadada u galay

Howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Howdley ee duleedka degmada Xarardheere ayaa lagu guuleystay. Howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu soo qabtay  gaari u siday Shidaal, kuwaasi oo la sheegay in loo waday Ururka.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada howlgalka ayaa lagu soo qabtay labo ruux oo ku howlanaa howl galka Shidaalka loo waday kooxda, iyadoo ay socdaan baaritaano la xiriira dhaq dhaqaaqooda. Howlgalkan lagu guuleystay ayaa qeyb ka ah dadaallada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan silsiladaha saadka Al-Shabaab iyo in la wiiqo awoodooda.

Howlgalka ayaa ahaa mid si sax ah loo fuliyay, sida y sheegeen saraakiisha, iyadoo ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor ay ka barbar shaqeynayeen ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ceel-dheer. Shidaalka la qabtay oo loo waday Al-Shabaab ayaa la qabtay ka hor inta uusan gaarin halkii loogu tala galay, isla markaana la fashiliyay, sida ay ciidamadu sheegeen.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu muujiyay muhiimadda howlgalkan “si loo carqaladeeyo falalka sharci darrada ah ee Al-Shabaab loogana hortagayo in ay helaan ilo muhiim ah”. Sidoo kale waxaa lagu nuux-nuux saday dadaalka joogtada ah ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan xoreynta deegaanada iyo burburinta shabakadaha argagixisada ah ee ku sugan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed