Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta ku dhawaqay in si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Guryasamo, iyagoo howlgal qorshaysan ku burburiyey fariisimo badan, kadib markii cagta la miriyey sida la sheegay tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanada kooxda Daacish oo muddo bilooyin ah halkasi ciidamada kula dagaalamaayey.
Inta howlgalka soo afjarida ah socday ayaa waxaa Ciidaamda dhulka garab siinayey diyaaradaha dagaalka Puntland. “Howlgalkaasi oo leh muhiimad istaraatiji ah oo weyn ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay guutada 2-aad ee ciidanka dhulka, iyadoo ay garab siinayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka, kuwaas oo dhowaan lagu daray awoodda milateri ee Puntland”.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ciidanka Puntland ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si fiican loo qorsheeyay, loogana gol lahaa sugidda amniga deegaanka iyo ciribtirka khatarta waxa loogu yeero kooxaha xagjirka ah.
Tan iyo dhaamaadka sanadkii hore Ciidamada ayaa dagaal muddo kula jira kooxda Daacish oo muddo dheer fariisimo ku laheyd buuraha Calmiskaad.
HBN ONLINE TV