Dowladda Soomaaliya oo burburisay guryo dad daganaayeen Magaalada Muqdisho

Ciidamo la sheegay in Booliis iyo Nabad Sugid isugu jiraan oo watay Gawaarida wax lagu burburiyo ee Cagafa ayaa saaka aroornimadii burburin ka bilaabay Xaruntii Wasaaraddda Arimaha gudaha ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir

Xaruntaas oo tan iyo burburkii ay daganaayeen qoysas badan ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa la sheegay in ay helayeen digniino loo soo diraayey oo ah inay ka guuraan ah.

Ciidamadan la sheegay in Booliiska iyo Nabad Sugiddda isugu jiraan ayaa xilliyadii danbe la gaynayey dhulalka dadka laga kicinaayo, xilligaa oo badi ay dadka hurdaan ee habeenki xilli danbe sida lagu sameeyey xaruntii dabdamiska iyo Ceelasha Biyaha.

Dowladda Soomaaliya kama hadlin arintaan, iyada oo dhaliil adag kala kulantay arimaha dhulalka la burburiyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed