Ciidamo badan oo wata gaadiid dagaal, kana yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, ayaa shalay iyo maanta soo gaaray magaalada Laascaanood, xilli la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre ay gaaraan caasimadda Waqooyi Bari.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Jeneraal Jimcaale kana soo ruqaansaday Garoowe, ay gaareen Laascaanood. Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in ciidanka Danab ee Puntland, kana mid ah kuwa xoogga dalka si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada, ay hadda hoos yimaadaan Ciidanka Xoogga Dalka.
“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka yimid Garoowe ayaa soo gaaray Laascaanood, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga guud,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Sida ay wasaaraddu xaqiijisay, ciidamadaasi ayaa sidoo kale u diyaargaroobaya sugidda amniga iyo soo dhoweynta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo lagu wado in ay ka qeyb galaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo lagu qaban doono Laascaanood.
Dhankiisa, Madaxweynaha la caleema-saarayo Firdhiye , oo ka qeyb galay bandhigyada lagu soo dhaweynayay ciidamada, ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin doorka ciidamada ee sugidda amniga gobolka, isaga oo xusay in mudnaan gaar ah la siinayo ciidamada ka yimid deegaannada Puntland.
Sidoo kale, wararka laga helayo Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamo kale oo wata ugu yaraan 10 gaari oo dagaal, kana yimid magaalada Boosaaso, ay maanta gaareen magaalada, taas oo sii xoojisay amniga guud ee caasimadda.
HBN ONLINE TV

