In ka badan 5 askari oo ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka badane waa ku dhaawacmeen, ka dib markii maanta qaraxyo lala eegtay labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen.
Qaraxyadan ayaa dhacay xilli ciidamada Puntland ay howlgallo ka sameynayaan deegaano katirsan buuraha Calmiskaad oo ay Daacish ku sugan yihiin, si gaar ah deegaanka Dharin oo dhaca Tog-Jaceel oo uu hadda dagaalku uga sii talabaay deegaanka Qurac, oo ah mid ka mid ah meelaha ay ku xooggan tahay Daacish.
Deegaanka Dharin oo dhaca Togjaceel waxaa la tilmaamay inuu ahaa mid kooxdu ku ay xoogganeyd, taasi oo gacantooda ka baxday.
Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Dagaalka uu ku bilowday qaraxyo dhulka lagu aaso, isticmaalka drones iyo rasaas toos ah, iyagoo carrabaabay inay soo rideen ku dhawaad 5 diyaaradood oo drone ah.
War kooban oo kasoo baxay howlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dagaalamaayaasha Daacish la dilay, halka qaar kalena ay baxsadeen.
Muuqaal lagu baahiyey mid ka mid warbaahinta deegaannada Puntland ayaa waxaa ka soo muuqday diyaar yar oo la tilmaamay inay qaaday dhaawaca Askarta, oo qaakood dhaawacyo adag qabeen.
Dagaalka ayaa ku soo aaday, maalin ka dib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen madaxii kooxda ee dilalka Qorsheysan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Loohaar, kaasi oo horey dil loogu xukumay.
HBN ONLINE TV