Ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS gaar ahaan kuwa Kenya oo ka baxay Soomaaliya

Ciidamo ka tirsan Howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya oo ku sugnaa degmada Buurdhuubo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa ku laabtay dalkooda, xilli uu socdo qorshaha amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed.

Taliyaha Qaybta 2-aad ee ATMIS, Jeneraal Seyf Saliim Rashid, iyo Taliye Ku Xigeenka, Col. Meshack Sinkira Kishoyian, ayaa si rasmi ah ugu sagootiyey ciidamada Kenya ee ka soo baxay magaalada Buurdhuubo.

Waxa ay xuseen in bixitaanka ciidamada ay qeyb ka tahay dhimista askarta ATMIS iyo ku wareejinta amniga dalka ee qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa Jeneraal Rashiid, Taliyaha Ciidanka 2-aad ee KDF, Lt. Col. John Kariuki Maina, oo sheegay inay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageeradooda iyo iskaashigooda ciidamada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed