Ciidamo ka socda Soomaaliya oo ka qayb galay dhoolatus sare oo ay qeyb ka yihiin dalal ay ku jiraan Maraykanka iyo Turkiga

Soomaaliya ayaa ka qayb galaysa dhoolatus ciidan oo heer caalami ah oo loo yaqaan Efes 2026, kaas oo ka socda dalka Turkey, iyadoo ay la socdaan dalal badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka , Pakistan, Saudi Arabia iyo Imaaraadka.

Dhoolatuskan oo ah mid si wadajir ah loo qabto ayaa diiradda saaraya is-dhexgalka ciidamada, isticmaalka rasaas dhab ah ama noolnool la adeegsanayo.

Sidoo kale waxaa ku jira dhoolatuskan tababaro la xiriira la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, howlgallada isku dhafan iyo isuduwidda ciidamada dhulka, cirka iyo badda.

Efes waa mid ka mid ah carbiska ciidan ugu waaweyn ee uu martigeliyo Turkiga, waxaana badanaa lagu qabtaa gobolka Izmir, halkaas oo ciidamada ka kala socda qaarado kala duwan ay ku sameeyaan hawlgallo isku dhafan, si kor loogu qaado xirfadaha dagaalka iyo wada shaqeynta.

Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya dadaalka ay ku xoojinayso awooddeeda ciidan iyo xiriirka ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed