Xiisad ayaa laga dareemayaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulkaasi ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay kaga cabanayaan mushaar la’aan iyo daryeel la’aan.
Ciidamadan oo qeyb ka ahaa howlgalka Calmiskaad ee ka dhanka ahaa kooxda Daacish ayaa xiray wadada afaafka hore ee Boosaaso, iyagoo halkaasi ka sameystay fariisimo cusub, taas oo keentay in xiisad laga dareemo duleedka magaalada. Ciidamada ayaa la sheegay inay diideen in wax gaadiid ah nuuc kasta uu ka gudbo aagga ay gacanta ku haayaan
Xiisadda ayaa sii korortay markii ciidamo kale oo ka tirsan Puntland ay gaareen goobta si ay ula hadlaan askarta gadoodka sameeyay. Wada-hadalka labada dhinac ayaa la sheegay inuu muran xooggan dhaliyay, iyadoo ugu dambeyn ciidamadii tegay ay dib uga laabteen goobta.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gadoodka sameeyay ayaa fariin u diray madaxda sare ee Puntland, iyagoo ka dalbaday inay si degdeg ah u soo farageliyaan cabashadooda la xiriirta mushaarka iyo xuquuqda ay sheegayaan inay ka maqan yihiin.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa dhankooda wada dadaallo lagu dejinayo xiisadda, iyagoo isku dayaya inay askarta ku qanciyaan inay marka hore ku laabtaan xeryahooda, ka dibna si rasmi ah loo xalliyo tabashooyinka ay qabaan.
Ilaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin madaxda sare ee Puntland oo ku saabsan gadoodkan iyo xaaladda ka taagan Boosaaso ee gobolka Bari region.
Si kastaba ha ahaatee, gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay deegaannada Puntland, iyadoo marar kala duwan ciidamo careysan lagu arkay magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo mararka qaar xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
HBN ONLINE TV

