Ciidamo Cusub oo gaaray Maxaas iyadoo Abaabul xooggan oo dagaal uu Ka socdo Gobolka Hiiraan

Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa martigelisay abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ay halkaasi gaareen ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa ka kala yimid degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan howlgalka lagu xoreynayo degmada Moqokori oo weli gacanta ugu jirto Alshabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadaas ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay la dagaallamaan Alshabaab, iyagoo xusay in ay Maxaas u yimaadeen sidii ay uga jawaabi lahaayeen garab istaagii shacabka Hiiraan u fidiyeen shacabka Galmudug sanadkii 2008-dii xilligii Alshabaab laga saaray Guriceel iyo Dhuusamareeb.

“Maxaas waxaan u nimid inaan gudbo abaalkii ay inoo galeen sanadkii 2008-dii xiligaas oo Gurceel iyo Dhuusamareeb laga xureynaayay Khawarijta Alshabaab way nala dhinteen waagaas, waxaan diyaar u nahay inaan la dhimano sidaas ayaan u nimad maxaas, waana waajib cidii kula dhiman jirtay markeeda inaad la dhimato” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidanka.

Sawirro iyo muuqaallo laga faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo si diirran loogu soo dhaweeyay gudaha magaalada Maxaas.

Ciidamadan ayaa la filayaa inay xoojiyaan gulufka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo haatan ku hawlan abaabul ballaaran oo lagu doonayo in Alshabaab looga xoreeyo degmada istiraatiijiga ah ee Moqokori.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed