Ciidamado loo diyaariyay dagaalka Al shabaab oo Muqdisho lagu soo bandhigay & Xukuumadda oo go’aan cusub ka soo saartay tababarrada kala duwan ee ciidanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee la taageero tababarada iyo saadka ciidanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.
Barre  ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka iyo xorreynta dagaalyahannada kooxda Al shabaab.
Madashan waxaa ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka amniga gudaha, Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya iyo saraakiil, masuuliyiin ka socotay dowladda Turkiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa goobta uga  mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.
Si kastaba, ciidamada ayaa loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al shabaab ee dagaalka ba’an kula jirto xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in ay dalka maamulaan, kana soo horjeedo jiritaanka dowladda Soomaaliya 15 sano ee la soo dhaafay.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed