Ciidamada xoogga oo sheegay in la dilay xubin dhaqaaalaha uga uruuri jirtay Alshabaab gobolka Baay

Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa soo bandhigay hub, dukuumiintiyo iyo agab kale, ka dib markii ay howlgal ay fuliyeen ku dileen mid ka mid ahaa xubnaha calagaha u qaaada kooxda Alshabaab.

Xubinta la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Macali Qaddiid ayaa lagu dilay deegaanka Kooney oo hoogtaga degmada Bardaale, waxaana sawiro la soo bandhigay agabka uu ku howlgalay ka mid ahaa buugagta lacagaha lagu qaado ee boonooyinka, qori Ak47 ah iyo mooto Feekoon.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu carrabaabay in ninkaan la dilay uu kooxda uu u aruurin jiray sida hadalka loo dhigay baadda ama lacagaha Alshabaab dadka ka qaataan.

“Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Baay oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kooney oo hoostaga degmada ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Macallin Qaddiid oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaataan. Ciidanka ayaa sidoo kale horjoogahaan kasoo furtay hub iyo agab kale” ayaa lagu yiri warka dowladda Soomaaliya.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya mamnuuc ka dhigtay in dadka lacago ay siiyaan kooxda, hadane meelaha qaar sida ilo dhanka sirdoonka ah sheegaan waxaa ka dhacda in laga qaado qidmadda dhaqaale ee Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed