Ciidamada Xoogga oo ka hadlay dagalka howlgalka Duufaanta aamusan ee ka dhanka ah Alshabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalkii Alshabaab looga saaray Sabiib iyo Caanoole ayaa sheegay in Ciidamadu intii dagaalku socday kooxda Alshabaab lagu gaarsiiyey khasaare culus, taasi oo keentay in lagala wareego.

Wuxuu ku eedeyey inay burburiyeen sida uu hadalka u dhigay kaabayaasha muhiimka ah ee Bulshada, isagoo carrababay inay kala gooyeen buundada deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, wuxuu tilmamaay intii uu socday howlgalka Duufaanta aamusan ee ka dhanka ah Alshabaab in Ciidamadu ku jireen inay fuliyeen howlgalka kale oo ka dhacay deegaanka Dhaji, oo qiyaastii 40-km u jira degmada Xudur Bakool.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in la xoreeyo dhamaan dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Alshabaab, iyadoo shacabka Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyay inay garab istaagaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo dowladnimo buuxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed