Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka wada degmooyinka Yaqbariweyne iyo Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose, kadib dilal aano qabiil ah oo halkaas ka dhacay. Howlgalladan ayaa lagu raadinayaa eedeysanayaal laga tuhun qabo inay ka qeyb ahaayeen colaadaha dhowaan dhacay, iyadoo ciidanku saacadihii lasoo dhaafay baadi-goob ka sameeyeen dhowr aag.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidanku goor hore oo maanta ah gaareen Yaqbariweyne, balse aan weli la ogaan cidda la qabtay, maadaama aysan saraakiishu soo saarin war rasmi ah.
Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay inay ku xirtay xerada Balli-doogle ku xirtay xubno looga shaki qabo dhacdooyinka Wanlaweyn.
Nabadoon Axmed Maxamed (Gaambiya) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha la xiray uu ku jiro Taliyaha Booliiska Gaarka ah ee Wanlaweyn, Saleman Maxamed, oo uu taliyaha uu afar maalmood ku xiran yahay Balli-doogle, iyadoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga bixin, inkasta.
Ciidamada milatariga Soomaaliya oo qabo amar soo qabasho nolol iyo geeri ah ayaa wada dadaalo lagu soo horkeenayo sharciga dad loo heysto inay si toos iyo dadbanba uga qayb ahaayeen dhacdooyinka Wanlaweyn & Yaaqbaerweyne.
Hbn Online Tv

