Ciidamada xoogga oo faahfaahin ka baxshay howlgallo khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay Koonfurta iyo Bartamaha

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahisay howlgallo culus oo ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen dhowr gobol oo koonfur iyo bartamaha dalka ah, kuwaas oo lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Alshabaab oo uu khasaare ka soo gaaray.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalo ka dhacay Janaalle iyo Farsoolay oo Shabeellaha Hoose ah lagu dilay 4 xubnood oo uu ku jiray nin ka tirsanaa qaybta qaraxyada, isla markaana la burburiyey fariisimo ay kooxda halkaasi ku lahayd.

Howlgal kale oo ka dhacay Tuullada Guudale ee Bakool ayaa sidoo kale khasaare lagu gaarsiiyey kooxda, inkasta oo tirada rasmiga ah aan la shaacin. Sidoo kale, magaalada Qaycad ee gobolka Mudug ciidamada deegaanka ayaa ku dilay 6 xubnood oo Alshabaab ah, iyagoo burburiyey fariisimo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in howlladaan ay intii ay socdeen kaalin weyn ka ciyaareen Ciidanka Xoogga, gaar ahaan, 14-ka Oktoobar, Danab, ciidanka deegaanka iyo howlgalka AUSSOM ee midowga Afrika.

Inkasta oo todobaadyadii ugu dambeeyey la waday dadaallo culays saarayo lagu Alshabaab gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka, hadane kooxda ayaa muujisay iska caabin xooggan oo ka dhan ah howlgalada dowladda iyo AUSSOM.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed