Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo fashiliyay weerar ay soo wadday kooxda Al-Shabaab deegaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo fariisin ku leh Saldhigga Ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle  ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan weerar ay doonayeen in ay soo qaadaan Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Jawaabta degdega ah ee milatariga, oo ku salaysan xog sirdoon oo tilmaamasa weerar argagixiso oo qorsheysan in ay soo wadeen maleeshiyaadka kooxda Al shabaab ayey heleen ciidanka furinta taasoo keentay in ay ka hortagaan.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa ciidamada xoogga dalka waxa ay heleen digniino sirdoon oo muujinaya weeraro ay soo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka oo ka jawaabaya hanjabaadaasi, ayaa si degdeg ah u abaabulay ciidankoodii ku sugnaa saldhiga hore ee hawlgalka ee Xawaadley. Tallaabooyinka firfircoon ee ay qaadeen iyo howlgallada degdegga ah ayaa u suurtageliyay in ay dhexgalaan dagaalyahannada  al shabaab ka hor inta aysan fulin qorshahooda dhagaraysanaa.

Howlgalka lagu fashiliyay Weerarkii Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka ahaa dadaallada iyo wada shaqeynta Ciidamada kala duwan ee xoogga dalka ay ka wadaan deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed