Ciidamada Xoogga dalka oo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ay ku leeyihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Howlgalka oo billowday dhawaan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu carqaladeeyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa diiradda lagu saarayaa duulaanka lagu qaadayo deegaano ay ka mid yihiin Ceelbacaad iyo Ruunirgood, halkaasoo Shabaabku ay jooggeen, hawlgalna ay ka sameeyeen. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa wada dadaallo xiriir ah oo lagu doonayo in laga sifeeyo dhaq dhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo soo celinta xasiloonida.

Dhanka kale, howlgallada ayaa ka socda gobolka Galgaduud, iyadoo ciidamada deegaanka ay ku biirayaan ciidamada si ay ula dagaallamaan maleeshiyada Al shabaab ee ku sugan deegaanno badan. Dadaalkan wadajirka ah, ayay hay’adaha ammaanku sheegeen in uu ka tarjumayo qaab midaysan oo looga hortagayo kooxda Al shabaab, loogana ilaalinayo bulshada khataraha kaga imaaneysa kooxda.

Marka la bar-tilmaameedsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxay ciidamadu ujeedadoodu tahay inay hoos u dhigaan awoodda kooxda oo ay burburiyaan shabakadahooda.

Ku darida ciidamada deegaanka ee duulaanka waxay muujineysaa istaraatiijiyad iskaashi oo looga hortagayo ababaulka Al shabaab iyo soo celinta nabadda gobollada ay colaaduhu saameeyeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed