Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Galmudug kuna ku dhawaad 10 xubnood

Howlgal ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa la sheegay in 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen deegaanka Cali-candhoole oo u dhow degmada Ceeldheer ee maamulka Galmudug. Howlgalka oo dhacay maanta ayaa sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen meleeshiyaadka kooxda Al shabaab, waxaana lagu soo furtay hub kala duwan, sida ay sheegtay Idaacadda ku hadasha afka Wasaaraadda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in howlgalkan wadajirka ah uu muujinayo waxtarka ay iska kaashanayaan ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Dadaalkan ayaa looga golleeyahay sidii meesha looga saari lahaa joogitaanka iyo saameynta kooxda ee gobolka.

Burburinta Saldhigga Al-shabaab iyo Hubkii lagala wareegay ayaa dhabar jab weyn ku ah howlgallada ay kooxda Al-shabaab ka wadeen deegaannada maamulka Galmudug. Ciidamada qalabka sida ayaa sii wada howlgallada qorsheysan ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida gobolka, iyagoo si dhow ula shaqeynaya shacabka deegaanka, isla markaana ay ka go’an tahay inay gacan ku siiyaan dadaalladaas.

Howlgalkan lagu guuleystay ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, laguna soo celiyo gacan ku haynta dowladda ee goobihii lagu dagaalamay, taasoo qeyb ka qaadaneysa amniga guud iyo horumarka Soomaaliya, sida ay ku warraameen saraakiisha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed