Ciidamada Sirdoonka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno tirsan Alshabaab oo isa soo dhiibay

War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay 10 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo isku dhiibay ciidamada ammaanka.

“Dhamaan isa soo dhiibayaashan oo ka kala tirsana qeybaha khawaariijta ayaa isku soo dhiibey NISA kadib markey fahmeen xanuunka ay leedahay dhibaateynta shacabka iyo dagaalada lagu afjaraayo khawaariijta.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xubnahan isa soo dhiibey ayaa dowlada iyo shacabka ka codsadeen in la cafiyo si ay ula midoobaan bulshada.

Maalmihii ugu dambeeyay xubnaha Al-shabaab ayaa u adkeysan waayay duqeymaha iyo dagaalka tooska ah ee ka socda dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed