Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in Ciidamada Gurmadka DegDegga ah ay madaafiic ku garaaceen goobo dad rayid ah deggan yihiin oo ku yaalla daafaha magaalada Khartuum ee caasimadda ah iyo gobolka Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan, waxaana la xaqiijiyay lagu dilay duqeymahaasi 8 qof halka 53 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Khartuum ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ay madaafiic ku garaaceen xaafado ku yaalla deegaannada Omdurman iyo Bariga Webiga saacadihii la soo dhaafayi, sida uu qoray wargeyska Sudan Tribune.
Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ayaa marar badan lagu eedeeyay inay duqeymo la beegsadeen goobo rayid ah, isbitaallo, xarumo kale oo bulsho, iyo xeryo dadka barakacayaasha ah ku sugan yihiin ee ku yaalla magaalada Ceel Fasher, inkastoo ay eedeymahaas iska fogeeyeen.
Laga soo bilaabo bartamihii bishii April sanadkii 2023, Suudaan waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF, waxaana ku dhintay coaladda ugu yaraan 30,000 oo qof halka 14 milyan oo kale ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka, sida ay sheegayaan xogta ugu dambeysay ee hay’adaha caalamiga ah.
HBN Online TV