Ciidamada Puntland ee ka howlgala buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay xubno ajaaniib ahaa oo ka tirsan kooxda Daacish. Howlgalka Ciidamada Puntland oo ka dhacay gobolka ayaa lagu soo bandhigay laba xubnood oo la sheegay in ay u dhasheen dalka Yemen, waxaana lagu qabtay aagga deegaanka Tasjiic oo hoostaga degmada Boosaaso.
Sida wararku sheegayaan, xubnahan ayaa ka yimid taliska Shankaala ee togga Baalade, oo ah meel ay ku dhuumaaleystaan xubnaha firfircoon ee Daacish.
Howlgallada ka socda buuraleyda Calmiskaad ayaa maalmihii u dambeeyay horseeday in la qabto sida la sheegay tirada sii kordheysa ee xubno ajaaniib ah oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland gacanta ku dhigayaan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Puntland ay haatan hayso ku dhawaad 60 xubnood oo ajaaniib ah oo lagu qabtay howlgallada Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Suuriya iyo Tansaaniya.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Puntland ay kula dagaallamayso kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannada buuraleyda ah ee gobolka Bari.
HBN ONLINE TV

