Ciidamada Puntland oo la wareegay mid ka mid ahaa talisyadii ugu weynaa Daacish ee buuraha Calmiskaad

Ciidamada ammaanka Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maalintii saddexaad sii wada howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kaas oo ka socda Togga Baalade – halkaas oo loo arko inuu ahaa saldhiggii ugu dambeeyay iyo mi ka mid ahaa fadhiyada waa weyn ee kooxda ku sugnaayeen gobolka Bari.

Howlgalka oo ah mid si xeeladeysan loo abaabulay ayaa wajahaya iska caabin xooggan, iyadoo kooxdu ay adeegsaneyso qaraxyo iyo miinooyin si ay u carqaladeyso dhaq-dhaqaaqa ciidamada.

“Ciidamada Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa hawlgal ballaaran ka wada Togga Baalade, oo ah saldhiggii ugu dambeeyey oo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda Daacish ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri warkooban oo ka soo baxay Puntland.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday iska horimaadyadii iyo qaraxyadii dhacay intii uu socday howlgalku.

Khasaarahaasi ayaa noqonaya mid kamid ah kuwii cuslaa ee ciidamada Puntland soo gaara tan iyo markii uu billowday gulufka milatari ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari, gaar ahaan Togga Miiraale iyo deegaannada ku dhow.
Ciidamada Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal ballaaran ka wada Togga Baalade, oo ah saldhiggii ugu dambeeyey oo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda Daacish ee gobolka Bari, inkasta oo maamulka uu la wareegay halkaasi.

Sidoo kale, kooxda Daacish ayaa bilowday inay qarxiyaan goobo ay uga tagaan rasaas iyo saadka milatari, si ay ugu waxyeelleeyaan ciidamada marka ay isku dayaan inay ka qaataan agabkaasi.

Hawlgalka ayaa galay maalintiisii saddexaad, iyadoo ciidamada Puntland ay hadda helayaan taageero cirka ah oo ay siinayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah. Togga Baalade, oo ku dhow magaalada Boosaaso, ayaa hadda ah goobta ugu weyn ee lagu wajahan yahay si loosoo afjaro xubnaha haray ee Daacish.

Togga Baalade, oo dhanka koonfureed ka xiga magaalada Boosaaso, ayaa hadda loo arkaa xarunta ugu weyn ee kooxda Daacish ee gobolka, waxaana ciidamada Puntland iyo saaxiibadooda ay wadaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu soo afjaro halista kooxdaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed