Ciidamada Puntland oo khasaare dhimasho kala kulmay qarax Daacish kula beegsatay Calmiskaad

Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray qarax lagula beegsaday gaadiid militari oo ku sugnaa waddada Daray-Madoobe ee u dhaxaysa Qurac iyo Gaatir-Oodan, Togga Jeceel, ee buuraha Calmiskaad, kadib markii ay beegsadeen kooxda Daacish.

Dhimashada ayaa waxaa ku jira Taliye magaciisa ay ku soo koobtay warbaahinta gudaha Maxamed Dhagacadde oo safka hore kaga jiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish. Qaraxan ayaa dhacay xilli ciidamada Puntland ay ku jireen howlgal ka dhan ah kooxda ee Togga Baallade.

Ilo Militeri oo soo baxaya ayaa soo bandhigay tuhumo u eg eedeymo loo jeediyey dadka deegaanka oo si dhow ula shaqeynaya Daacish, inkasta oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Dhinaca kale, Ciidamada Puntland ayaa saakay howlgal qorshaysan ku qaaday ceelasha Al Barako iyo Shinkaalooyin ee Togga Baallade, halkaasoo lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Daacish. Puntland ayaa ku adkaysay in howlgalada ka dhanka ah kooxda aysan hakad galin, isla markaana dadka deegaanka looga baahan yahay inay taageeraan dadaallada amniga si loo ciribtiro ururka.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya, iyada wax ka yar muddo bil ah maamulku uu dhacdooyinka nuucaani ah ku weynayo taliyaal sare oo kaalin weyn ka qaatay howlgalada ka dhanka ah Daacish, taasoo muujineysa halista joogtada ah ee ciidamada ka hortaga kooxdaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed