Ciidamada Puntland oo guulo ka sheegtay hawlgal ka dhacay Buuraha Calmiskaad

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay buuraha Calmiskaad, gaar ahaan inta u dhaxaysa labada tog ee Miiraale iyo Moqor, halkaas oo ay sheegeen inay ka sifeeyeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta ee hawlgalka Calmiskaad ayaa lagu sheegay in ujeeddada hawlgalku ahayd in laga nadiifiyo sida hadalka loo dhigay argagixisada firxadka ah ee isku dayaya inay ku dhuuntaan deegaannada togga Moqor.

“Ciidanku waxay saaka hawlgal ka wadaan inta u dhexeysa Miiraale iyo Moqor, Iyadoo ujeedku yahay sifeynta firxadka Argagixisada wixii u cararay dhinaca u rogan togga Moqor”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeya sii laba jibaaray hawlgalladooda buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah Daacish, iyada oo waqti sii horreysay uu Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay wejiga seddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed