Ciidamada Puntland oo Guullo ka dagaal toos iyo qaraxyo oo ay la galeen Kooxda Daacish

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa sheegay inay guul weyn ka gaareen howlgal militari oo ay ka fuliyeen deegaanka God-curre ee ku yaalla agagaarka Baallade ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish, laguna gaarsiiyey khasaare culus.

War ka soo baxay ciidamada Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanku waxay soo afjareen firxadkii argagixisada ee ku dhuumanayey Godka God-curre oo ku yaala Baallade, wax la dilay iyo wax isqarxiyey noqdeen.”

Bayaankaasi wuxuu muujinayaa in kooxda weerarka lala beegsaday ay qaarkood la dilay halka kuwo kalena ay is qarxiyeen, taasoo tilmaamaysa baaxadda iyo halista weerarka. Ciidamadu waxay sheegeen inay si buuxda ula wareegeen goobta istaraatiijiga ah ee ay kooxdaasi ku dhuumanaysay.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Daacisha ku sugan buuraha Calmiskaad iyo deegaannada ku xeeran .

Guushaan ay ciidamada Puntland ka sheegteen ayaa fariin adag u diraysa kooxaha ku dhuumaalaysanaya gobolka buuraleyda ah ee Bari. Dagaalka lixda bil ee Puntland iyo Daacish ayaa la filaa inuu galo wajigiisii afaraad, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed