Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Daacish ee Gobolka Bari

 

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin ajnabi ah oo xiriir la leh Daacish, kadib howlgal ay dhawaan ka sameeyeen buuraha gobolka Bari.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Cimraan Maxamed Calawi oo u dhashay dalka Zanzibaar ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta ee Puntland, waxaana la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah ee ku sugan deegaankaasi.

Howlgalka oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan PSF-ta, ayaa daba socda weerar dhawaan lagu dilay hoggaamiyaha Daacish C/qaadir Muumin.

Mar ay warbaahinta la hadlaysay ayaa saraakiisha PSF waxa ay shaaca ka qaadeen in Calawi oo lagu qabtay buuraha ay ka howlgalaan Daacish uu horay labo dagaal kula galay Al-Shabaab.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed