Ciidamada Puntland oo dilay Daacish Miino ku aasayey magaalada Boosaaso

Ciidamada amniga Puntland ayaa sheegay in lagu toogtay magaalada Boosaaso nin katirsan kooxda Daacish, ka dib markii lagu qabtay sida hadalka loo dhigay isagoo miino ku aasayey wado istiraatiiji ah.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in xogta ninka la toogtay ay soo gudbiyeen shacab deegaanka ah oo ka shakiyey aaga uu ku sugnaa ee wadada weyn Nakhiil ee boosaaso.

Ninka la dilay ayaa ciidamada Puntland carrabaabeen inuu ahaa Ajnebi, iyagoo si deg deg ah u qarxiyey sida hadalka ay u dhigeen Miinadii uu waday.

“Ninka oo ahaa Ajnebi ayaa markii uu arkay ciidamada amaanka oo si degdeg ah goobta u soo gaaray ayaa qarxiyey miinadii uu aasayay, isagoo isku dayay in uu goobta ka baxsado, balse ciidamada ayaa toogtay” ayaa lagu yiri warka Puntland.

Saraakiisha howlgalka oo xili habeen ah dhacay hoggaaminayey ayaa kaga mahadceliyey shacabka, sida ay garab istaaga ugu muujiyeen, iyagoo gacan ka geysanaya howlgalka Puntland ay ugu magac dartay “ciribtirka argagixisada” ee ka socda buuraleyda Cal-miskaad.

Kooxda Daacish ayaa maalmahan wajahaysay duulaan culus oo kaga yimid ciidamada difaaca Puntland oo ka laayey horjoogayaal badan, halka ay kala wareegeen ku dhowaad 50 saldhiyadooda sida uu maamulka sheegtay Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed