Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay aagag hor leh oo laga helay macluumaadka Anaajiib

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sheegay inay maanta ka qabsadeen Daacish 4 ka mid ah Talisyada Kaydadkii Saadka, Geerashyada gawaarida iyo kuwa lagu farsameeyo sida hadalka loo dhigay qaraxyada.

Talisyadan afarta ah ee Ciidamadu ka qabsadeen Daacish ayaa waxaa ku kala sheegeen Taliska Al-Barako, Taliska Digaale iyo dhammaan saldhigyada hoostaga Hadi-dharin iyo Hadi-xanaan ee buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Puntland ayaa carrabowday saldhigayaadaa ay la wareegeen ciidamadeeda uu tirada guud ee goobaha ay ka qabsadeen Daacish ay ka dhigeyso 48-goobod oo waa-weyn.

Dhanka kale, Ciidamada Puntland ayaa sheegay in goobaha ay qabsadeen laga helay raadadka aqoonsi ee mid ka mid ah ajaaniibta Daacish oo u dhashay boqortooyada Saacuudiga, kaasi oo xogta dokumiinti uu magaciisa uu ku sheegay Al-Hawshani Maxamed Axmed ‘R’.

Al-Hawshani Waa 20 sano jir sida ay muujinayo Baasaaboorkiisa oo la helay, iyada oo la soo bandhigay Kaararkiisa Bangiga iyo kuwa kale. Lama oga halka uu ku dambeeyo, balse waxaa uu ka qeyb yahay dadka doolka ah ee uu saameeyey Gulufka duulaan ee Puntland ku ekeysay buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed